Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax lagu taageerayay hogaanka cusub ee Galmudug oo Gaalkacyo la dhacay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isu soo bax lagu taageerayay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta C/laahi Ciise ee magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dibad baxaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka degmada Gaalkacyo, xubno ka tirsanaa golihii wasiirada maamulkkii hore ee Galmudug iyo boqalaal dadweeynaa oo kala socday bulshada qeybahooda kala duwan, iyadoo sidoo kale uu khadka taleefanka uga soo qeyb galeen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Carabeeey.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Duqa degmada Gaalkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug Bile Diini Cali oo ugu horeeyn ka hadalay banana baxa taageerada ahaa ayaa sheegay in maamulka degmada Gaalkacyo iyo shacabkiisuba ay si weyn u soo dhaweeynayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la doortay ayna la shaqeeyn doonaan.

“Meeshaan waxaan isugu nimid inaan  taageerno oo ku boorino guusha uu gaaray anagu musharixiintu waxay ahaayeen isugu kaaya mid waxaa waajib nagu ah in ninkii la doorto aan la shaqeeyno oon taageerno maadaama aan nahay dadkii aas aaska u ahaa dhismaha Galmudug”, ayuu yiri Diini.

Mudane Bile Diini duqa degmada Gaalkacyo ayaa sidoo kale hambalyo u direy dhamaan xubnaha golaha wakiilada dowld goboleedka Galmudug gaar ahaan guddoonka, isagoo u rajeeyay in ay howshooda ilaahay u fududeeyo.

Ugu madaxweynha dowlada Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo khadka taleefanka kula hadlay bulshadii iyo madaxdii ka soo qeyb gashay banaan baxaan lagu tageerary hanaanka horumarka leh ee ka soo hana qaaday gobalada dhaxe ayaa uga mahad celiay taageerada ay u muujiyeen dhismaha dowlad gobaleedka  cusub ee Galmudug

“Aad baan ugu mahadsantihiin taaageeradiina maamulka meeshaan ka dhisan waa maamulkiinii waana midaad muddo badan raadineeyseen in maamulku uu ku baaho dhamaan deegaanada Mudug iyo Galguduud, marka waxaan aaminsanahay in reer Galmudug ay guuleeysteen Soomaali oo dhanna ay wada guuleeysatay”, ayuu sheegay madaxweyne Guuleed.

Dibad baxyo kuwan la mida oo lagu tageerayo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyana ka dhacay deegaano farabadan oo ka tirsan kuwa gobalka Mudug.

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Oo Kismaayo Gaaray

Next Post

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Next Post
Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Hey’adda Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay qaxooti Yeman u dhashay

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In