Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji oo Islii Ka Dhacay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji oo Islii Ka Dhacay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad bax looga Soo horjeeday nadaafad darro iyo Biyo la’aan ka jirta Degmada Kamukunji ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Islii ee Magalada Nairobi.

Dibad baxani oo ay soo qaban qaabiyeen ganacsatada iyo dadka deegaanka ayaa  dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan waxay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka waaweyn ee xaafadda islii,iyagoo ku qeylinayay erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan cashinka faraha badan ee dhex ceegaaga hareeraha wadooyinka iyo biyo la’aanta ka jirta kamukunji.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Axmed Security oo ka tirsan xafiiska xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo dibad baxa ka hadlay ayaa waxa uu  ka warbixiyay ujeedka dibad baxa,isagoona ku dhaliilay dowlada hoose ee magalada Nairobi inay ka gaabisay wax ka qabashada nadaafad darida iyo biyo la’aanta ka jirta degmada kamukunji.

“Dibad baxan maanta waxaa soo qaban qaabiyay dadka deegaanka iyo ganacsatada xaafada islii iyagoo ka cabanyo dhibatada  faraha badan oo dowlad hoose nagu heyso ,dowlada hoose 30,bilyan ayaa la siiyaa bil walba,anaga reer islii hadan nahay shilin kama heyno,maxaa yeelay qashinkii wuu soo batay,biyo la’aan ayaa jirto,bil barakeysan ayaa lagu jiraa biyana ma jiraan”Ayuu jiro Axmed Security.

marka anaga hadan reer islii nahay ma ogolaaneyno arrinkaas,wixii hada ka dambeeyana hadii ay wax qaban waayaan,isniinta waxan rabnaa warqad cabasho oo qoraal ah inan u geyno hadii wax nalooo qaban waayana, anaga waxan diyaar u nahay inaan canshuur bixin,canshuur ma bixinayno ilaa anaga wax naloo qabto”Ayuu sii raaciyay Axmed.

Wakiilka dowlada hoose ee degmada kamukunji Cismaan Caddow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay wax badan dowlada hoose kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa nadafad darida ka jirta xaafada Islii.

“haddaan ahay xildhibanka laga soo doorto degmada kamukunji ee dowlada hoose ee Nairobi reer islii way diideen inay saan ku noolaadaan qashinka ,biyo la’aanta maalinkana inay lacag meeshan ka gurtaan,hadda ka didna si gooni ah ayan ula dhaqmeynaa,hadan nahay reer islii waa inaan diidno inaan lacag bixinno haddii kale qashinka hannalaga gurro maalin kasto,biyahana hannloo soo daayo”Ayuu yiri Cismaan Caddow.

Isu soo baxani ka dhacay xaafad islii ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan qaar ka mid ah dhalinyarada Somaliyeed ee ku dhaqan xaafada islii oo iskood isku xilqaamay ay olole nadaafadeed ka fuliyeen qeybo ka mid ah xafada islii,iyagoona bulshada ka wacyi gelinayay halista iyo cudurada ka dhalan kara nadaafad daridda.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Previous Post

Guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka Galmudug oo la doortay,

Next Post

Shir Looga Hadlayey La dagaalanka Kooxaha Xagjirka Ah Oo Nairobi Lagu soo Gabagabeeyey “Sawirro”

Next Post
Shir Looga Hadlayey La dagaalanka Kooxaha Xagjirka Ah Oo Nairobi Lagu soo Gabagabeeyey “Sawirro”

Shir Looga Hadlayey La dagaalanka Kooxaha Xagjirka Ah Oo Nairobi Lagu soo Gabagabeeyey "Sawirro"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In