Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho, ayaa maanta isugu soo baxay fagaare ku yaala xeebta Liido, halkaas oo dhowaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda alshabab ay ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
U jeedada isu soo baxan ayaa lagu sheegay in ay tahay in loo duceeyo dadkii dhowaan halkaasi lagu laayay, iyadoo dadweynaha ka qeybgalay dibad baxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida ay ugu xun yihiin dhibaatada ay wadaan kooxda nabad diidka ah ee Alshabab.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dadweynaha kala qeybgalay dibad baxan maanta.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xilligan la joogo gabagabedii kooxda Alshabab maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ka so horjeesteen ficiladooda guracan.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo kamid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya isla markaana kamid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa shacabka ugu baaqay in ay isku dhuubnaadaan si looga adkaado kooxdan dhiig cabka ah.
Al-shabaab ayaa dhowaan weerar ku qaatay xeebta Liido xilli halkaasi ay ku sugnaayeen dad badan oo shacabka, waxayna laayeen dadkii goobtaasi ku sugnaa.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 12644874_1670041616567924_5607006266740551317_n

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Previous Post

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

Next Post

Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Next Post
Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In