Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibadbax lagu taageerayay nabadda oo ka dhacay Cabuudwaaq+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dibadbax lagu taageerayay nabadda oo ka dhacay Cabuudwaaq+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bananbax loogu magac daray Daahfurka Maalinta Nabadda ayaa ka dhacay magaalada Caabudwaaq.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo Madaxa Golaha xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ayaa ka qeybgalay dibadbaxaasi kuwaasoo u yimid Magaalada Cabuudwaaq, inay la wadaagaan bulshada ku dhaqan Degmadaasi farxadda iyo kala qayb galka daah furka Nabadda.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Isu soo bax ay ku muujirayaan jacaylka ay u qabaan Nabadda ayaa magaalada ka qabsoomay, waxaana uu bilowday dadaaalka Nabad raadinta Caabudwaaq markii uu socdaalka ku yimid dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” isagoona ugu baaqay in loo saldhigo Nabadda si horumar loo gaaro waxaana uu sameeyay Guddi uu u xilsaaray ka miro dhalinta heshiiska.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo ugu horayn ka hadlay taallada loo asteeyay Nabadda oo banaanbaxu ka dhacay  ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Cabuudwaaq ay hormuud u yihiin nabadda iyo horumarka isagoo tilmaamay in dibadbaxani ay bulshadu ku muujinayeen jaceylka ay u qabaan nabadda iyo dowladnimada.

Axmed Maxamed Caafi oo ka mid ah gudi Dawlada dhexe ee dalka ay u wakiilatay xasilinta Degmada Cabudwaaq ayaa goobta isu soo baxa waxaa uu ka soo jeediyay waxa u qabsoomay intii ay ku guda jireen arinta xasilinta degmada Caabudwaaq, isagoo ku amaanay reer Cabuudwaaq sida ay ugu bisilyihiin nabadda iyo nidaamka dowliga ah.

Soo jeedinta go’aanka xasilinta ee gudiga kadib waxaa si wada jira u taageeyay qodobada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Ugaas Axmed Bari Cali oo tilmaamay iney bulshadu qaadatay nabadda,

Ugu Dambayn Madaxa xukuumada Dawlad Goboleedka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa  sheegay in Galmudug ay aqbashay go’aanka gudiga xasilinta dhagan galkiisana ay diyaar u yihiin wuxuuna ka dalbaday bulshada reer Galmudug iney qaataan nabadda maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha nabaddaynta iyo horumarka.

Previous Post

QM oo dowladaha Qadar iyo Imaaraat-ka ku ammaantay taakulaynta Falastiin

Next Post

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo New York kula kulmay diblomaasiyiin

Next Post
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo New York kula kulmay diblomaasiyiin

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo New York kula kulmay diblomaasiyiin

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In