Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Diblumaasi, xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Finland laguna daabacay bogga internetka ee dowladda Finland warbaahinta gudaha iyo kuwa dibaddana loo qaybiyay ayaa lagu baahiyay magacaabista Ergeyga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika, mudane Diblumaasi Xildhibaan hore Suldaan Said Ahmed.

Mudane Suldaan Said Ahmed oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geesrka Afrika ayaa hadda si rasmi ah u noqonayaa Ergaya dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadin Geeska Afrika.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Diblumaasi Suldaan Said Ahmed ayaa kolkii hore ee uu ahaa ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda Geeska Afrika sare u qaaday xiriirka togan ee u dhexeeya dalalka dhaca geeska Afrika iyo dalka Finland.

Suldaan oo asal ahaan ka soojeeda Geeska Afrika ayaa isagoo kaashanaya aqoontiisa duruqsan ee uu leeyahay dhaqanka iyo qaab-dhismeedka bulshooyinka Geeska Afrika horay u kasbaday kalsoonida hoggaanka siyaasadda, diinta, dhaqanka iyo dhallinyarada bulshada gobolka Geeska Afrika.

Waxaa aad loogu han-weynyahay in Suldaan Said Ahmed uu sare u sii qaado xiriirka iskaashi iyo wax wada-qabsi ee ka dhexeeya dalalka Geeska Afrika iyo dalka Finland.

Sidaas si lamid ah ayaa waxaa loo naawilayaa in aqoonta iyo waayo-aragnimada dalka Finland ee dhinaca nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka uu diblumaasi Suldaan Said Ahmed ku dabaqo xallinta xasaradaha iyo khilaafaadka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika ka jira.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya

Next Post

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca Itoobiya

Next Post
Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca  Itoobiya

Waxgaradka gobolka Awdal oo ka horyimid damaca Itoobiya

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In