Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Guddoomiyihii Maxkamadda sare oo xilka laga qaaday “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Digreetan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka xanaf iyo guddoomiyihii Racfaanka maxkamadda gobolka banaadir Xasan Cali, iyadoo xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare loo magacaabay Dr Ibraahim Iidle Suleymaan,

Munaasabad kooban oo lagu dhaarinayay mudanaha cusub lagugana qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxa ka qeyb galay Madaxweynaha dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabad sugidda iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Cumar Maxamed Cabdulle oo ah lataliyaha dhanka sharciga ee Madaxweynaha, isla markaana saxaafadda u akhriyay.

“Wuxuu xeeriyay qodobka 1aad, laga bilaabo taariikhda marka uu Madaxweynaha saxiixo, waxaa shaqadii garsoor laga fariisiyay Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid ilka xanaf oo 81 jir ah, Guddoomiyaya Racfaanka gobolka Benaadir Xasan Cali oo 73 jir ah, waxaa loo magacaabay xilka Guddoomiyaha maxkamadda sare Dr Ibraahim Iidle Suleymaan, xilka banaan ee gudoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka benaadir, waxaa si KMG ah u sii haynaya, garsooraha ugu darajada sareeya oo sharci ahaan xilkaasi qaban kara, ilaa laga magacaabayo Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka, Xukuumadda iyo golaha shacabka waxaa la farayaa inay si deg deg ah u dhisaan golaha adeega garsoorka, lana waafajiyo dastuurka KMG ah ee dalka iyo sharciga dhismaha golaha adeega garsoorka” ayuu yiri Cumar.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka hadlay munaasabadda markii la dhaariyay kadib ayaa sheegay in haddii adeega garsoorka dalka uu hagaago ay inta kale hagaageyso, isla markaana codsaday in lala shaqeeyo.

“Waxaa inta badan la tilmaamaa,. Marka laga hadlayo garsoorka, dadku waxa ay rabaan cadaalad, hay’adkasta oo dalka ka dhisan waxa ay bulshada u hayaan adeeg, loona baahanyahay cadaalad, marka waxaan ku weynahay inaan cadaaladda xoogga saarno” ayuu yri Guddoomiyaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha adeega garsoorka ayka midtahy tiirarka dowlanimada, waxaana guddoomiyaha cusub u rajeyneynaa guul iyo in uu sare u qaado adeega garsoorka.

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa ah mas’uul aqoon durugsan u leh habmaamulka dawliga iyo dejinta sharciyada, kaasi oo ay horyaalaan howlo adag oo u baahan in uu isbadal ku soo kordhiyo adega garsoorka.

Halkan ka dhageyso Digreetada 

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/05/Codka-Degreetada.mp3
Previous Post

Beeraleyda gobolka Shabeelaha dhexe oo ku howlan tacabka beeraha

Next Post

Wasaaradda batroolka oo ka hadashay xog uruurin la xiriira dhul badeedka

Next Post

Wasaaradda batroolka oo ka hadashay xog uruurin la xiriira dhul badeedka

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In