Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaarad Kenya  leeyahay oo ku dhacday duleedka Kismaayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradan oo nooceedu ahaa F-5 kana mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa burburtay kaddib markii ay ka soo laabatay howlgal duqayn ah oo ay ka geysatay deegaanno ay ka taliso kooxda Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradda ayaa dhacday 3:15pm kaddib markii ay soo wajahday cillado farsamo iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn nolal iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin duuliyiyaashii diyaaradda dhacday.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sarkaal ka tirsan warfaafinta KDF, David Obonyo ayaa sheegay inay diyaaraddu ku dhacday meel u dhow magaalada Kismaayo, balse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay shilka,asagoo intaa ku daray in goobta ay diyaaradda ku dhacday baaritaan lagu sameyn doono.

David ayaa sheegay in howlgalka ay fulisay diyaaradda lagu burburiyay saldhig Al-Shabaab, lagu dilay tiro ka tirsan dagaalyahannada kooxda.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha miigga ee Kenya ay horraantii saaka duqayn ka geysteen meel u dhow tuulada Buuloguduud, oo 30 km dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo. Waxay sheegeen inay maqleen qaraxyo waa-weyn.

Bururka diyaaradan  ayaa imaanaya maalmo kaddib markii kooxda Al-Shabaab ay 64 qof ku dishay magaalada Mandera labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.

 

Previous Post

Danjire “Ameeriko” oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka todobaadka (Dhageyso+Sawirro)

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In