Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Walax looga shakiyay bambo ayaa laga helay musqusha (suulliga) diyaaradda Faransiiska ee “Air France” oo si degdeg ah ugu degtay magaallada Mombasa ee dalka Kenya.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 459 qof ayaa ku sii jeedday magaallada Paris ee caasimadda Faransiiska, ayadoo ka duushay dalka Mauritius, hase yeeshee waxaa loo soo weeciyay duulimaadkii Mombasa. Diyaaradda oo ah Boeing 777, oo duulimaadkeedu yahay 463 ayaa ka soo duushay Mauritius 9pm, ayadoo codsatay inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Moi oo ku yaalla Mombasa saacadduu markii ay ahayd xalay 12.37am.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sida ay shegeen saraakiisha Kenya, Walax laga helay diyaaradda ayaa looga shakisan yahay Bambo. Charles Owino, oo ah afhayeen ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in waxyaabaha qaraxa looga shakiyay la dajiyay diyaaradda, ayadoo cidina aysan waxba ka soo gaarin.

“Walxaha la rumeysan yahay inay yihiin kuwa qarxa si nabad ah ayaa looga soo saaray diyaaradda” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adda Kenya u qaabilsan garoommada diyaaradaha oo intaa raaciyay in duulimaadyada garoonka oo muddo yar hakad galay ay si caadi ah u shaqeynayaan.

Khubaro ku taqasusay waxyaabaha qarxa ayaa baaritaan ku haya waxyaabaha laga shakiyay ee aga soo saaray diyaaradda.

Benoit Luchini, oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa yiri “ Diyaaraddu si tartiib tartiib ah ayay hoos ugu dagaysay, waxaan fahannay in wax ay qaldan yihiin….. Waxaan xirannay xerkaha kuraaska (belt), si aad ugu degno Mombasa, maxaa yeelay waxaan u malaynaynay in cillad ay haysato diyaaradda, laakin sidaa ma ahayn Waxbaa ka qaldanaa dhinaca suulliga, waxay noqon kartay bambo”.

Previous Post

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Next Post

Madaxweynaha oo hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra

Madaxweynaha oo hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In