Dood Cilmiyeedkaan ayaa ku saabsanaaa sidii dib loogu soo celin lahaa waxbarshadii lacag la’aanta ee horay uu lahaan jiray dalka iyo manaajih tayo leh iyo sidii loo ogaan lahaa tirade guud ee ardayda waxbarata iyo kuwa aana heysan fursadaha waxbarsho, kuuwaasi oo uu xaq u leeyahay muwaadin walbo in uu helo fursad waxbarsho.
Dood Cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya Aqoonyahano Ardayda ka kala socoto Dhamaan Jaamacadaha ku yalaala Magaaalada Muqdisho waxaana madashaasi su’aalo lagu weydiiyay Wasiirka Waxabarashada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadaa Prof; Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in xalka kaliya ee dib loogu soo celin karo dalka Waxbarashadii lacag la’aanta ahayd ay tahay in la bixiyo canshuurta dalka,wax wanaagsan ay tahay in maanta Ardayda Soomaaliyeed ay ku fekeraan in la helo Waxbarasho tayo leh iyo fursado waxbarasho oo bilaash ah.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan oo ka jawaabayay su’aalihi tooska ahaa ayaaa ardayda ku dhiiri galiyay in ay sii wadaan hiigsiga waxbarshada, sanadkaan cusub bilaawgiisane ay Wasaaradda wado qorsho dib loogu hirgeliyay xarumo waxbarsho oo loogu talagalay in lagu horumariyo waxbarshada dalka.