Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed Loo Qabtay Howlwadeenada Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Soo Xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed Loo Qabtay Howlwadeenada Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Soo Xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood Cilmiyeedkani oo socday mud 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho waxaana ka faa’ideystay ka 63 ka mid ah Howlwadeennada Caafimaadka Soomaaliya, waxaana mudadaasi uu socday lagu baranayay Badbaadinta Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed iyadoo ay soo qaban qaabisay doodaasi Hey,adda Pac oo Fadhigoodu Yahay Dalka Sucuudiga.

Xiritaanka Dood Cilmiyeedkaasi ayaa waxaa ka qayb galay Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya oo ay ka mid yihin ku simaha Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ahna ku xigeenka wasiirka wasaaradaasi Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiinta Hay,adda Pac.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Dr Cabdiqani Sheikh Cumar Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dadaalada Hey’adaha Caafimaadka ka wadaan Dalka la sii Xoojiyo Dhaqaatiirta loo soo xiray Dood Cilmiyeedka ayuuna kula dar daarmay in ay Dadka gaarsiiyaan aqoonta ay barteen ugana faa’ideeyaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka ee ka qeyb galay Xiritaanka Siminaarka ayaa waxa uu Mahadnaq balaaran u jeediyay Mas’uuliyiinta Hay’adda Pac Dadaalka Dhanka caafimaadka ah ee ay la garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed waxaana uu u rajeeeyay in ay sii wadaan Dadaalkaas.

Guddoomiye ku xigeeenka Hey’adda Dood Cilmiyeedka u qabatay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Ee Pac Dr C/xakiin El Qaddan ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedkoodu yahay in Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed la bad baadiyo oo aysan Micno daro u dhiman Caawintooda Bulshada Soomaaliyeedna aysan intaa ku Ekaan doonin.

Ku simaha Wasiirka Caafimaadka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo oo Gabagabadii ka hadlay Xiritaanka Dood cilmiyeedkaas ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadka Qorshaheeda Sanadkan uu yahay in Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed aysan Daryeel la’aan u dhiman oo adeegyo Caafimaad oo dhameestiran ay helaan.

Previous Post

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiis Dhanka Duulimaadka ah Oo ay Wada Galeen Soomaaliya Iyo Qatar

Next Post

“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Next Post
“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

"Sawirro"Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In