Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood Cilmiyeed Loo Qabtay Howlwadeenada Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Soo Xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dood Cilmiyeed Loo Qabtay Howlwadeenada Caafimaadka Oo Muqdisho Lagu Soo Xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood Cilmiyeedkani oo socday mud 5 maalin ah ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho waxaana ka faa’ideystay ka 63 ka mid ah Howlwadeennada Caafimaadka Soomaaliya, waxaana mudadaasi uu socday lagu baranayay Badbaadinta Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed iyadoo ay soo qaban qaabisay doodaasi Hey,adda Pac oo Fadhigoodu Yahay Dalka Sucuudiga.

Xiritaanka Dood Cilmiyeedkaasi ayaa waxaa ka qayb galay Maanta Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya oo ay ka mid yihin ku simaha Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ahna ku xigeenka wasiirka wasaaradaasi Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiinta Hay,adda Pac.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Dr Cabdiqani Sheikh Cumar Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dadaalada Hey’adaha Caafimaadka ka wadaan Dalka la sii Xoojiyo Dhaqaatiirta loo soo xiray Dood Cilmiyeedka ayuuna kula dar daarmay in ay Dadka gaarsiiyaan aqoonta ay barteen ugana faa’ideeyaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa Mudanayaasha baarlamaanka ee ka qeyb galay Xiritaanka Siminaarka ayaa waxa uu Mahadnaq balaaran u jeediyay Mas’uuliyiinta Hay’adda Pac Dadaalka Dhanka caafimaadka ah ee ay la garab taagan yihiin Bulshada Soomaaliyeed waxaana uu u rajeeeyay in ay sii wadaan Dadaalkaas.

Guddoomiye ku xigeeenka Hey’adda Dood Cilmiyeedka u qabatay Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Ee Pac Dr C/xakiin El Qaddan ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedkoodu yahay in Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed la bad baadiyo oo aysan Micno daro u dhiman Caawintooda Bulshada Soomaaliyeedna aysan intaa ku Ekaan doonin.

Ku simaha Wasiirka Caafimaadka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi Daalo oo Gabagabadii ka hadlay Xiritaanka Dood cilmiyeedkaas ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda Caafimaadka Qorshaheeda Sanadkan uu yahay in Hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed aysan Daryeel la’aan u dhiman oo adeegyo Caafimaad oo dhameestiran ay helaan.

Previous Post

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Heshiis Dhanka Duulimaadka ah Oo ay Wada Galeen Soomaaliya Iyo Qatar

Next Post

“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

Next Post
“Sawirro”Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

"Sawirro"Dayactir lagu sameeyay xarunta safaaradda Soomaaliya ee midowga Yurub

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In