Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood-wadaag ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo Muqdisho ka dhacay +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Dood-wadaag ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo Muqdisho ka dhacay +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan dood-wadaag ah oo ku saabsan Shareecada Islaamka iyo Dastuurka oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi, Sheekh Cali Wajiis iyo Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa si qoto dheer u sharxeen Shareecada Islaamka iyo iyo Dastuurka waxayna ka jawaabayeen su’aallo ka imaanayay ka qeybgalayaasha.

Wasiir Ku-Xigeenka oo ka hadlayay qodobada aas-aasiga u ah Dastuurka ayaa sharxay sida Datuurka uu u waafaqsan yahay Shareecada.

“Sida aad ogtihiin Dastuurka Soomaaliya waxa uu waafaqsan yahay Shareecada Islaamka, sida Dastuurka ku qoran wax walba oo Shareecada Islaamka ka hor imaanaya waa waxba kama jiraan. Waxaa la rabaa in dadka Soomaaliyeed ay sidaa ula socdaan oo ay Dastuurkooda ilaashadaan” ayuu yiri Dr. Xuseen Cabdi Cilmi.

Sidoo kale Sh Cali Wajiis ayaa aad u sharxay taariikhda Dastuurka oo uu sheegay inay soo bilaabatay xiligii Nabi Maxamed (NNKH), waxuuna sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay aad ugu qanacsanyihiin dib-u-eegista Dastuurka ee xiligan socota isagoona tilmaamay in uusan jirin qodob Dastuurka ku jira oo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Dhanka kale, Avv Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa isagana ka hadlay aragtida Qareenada ee Dastuurka.

Ugu dambayn, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Wasaaradda ayaa sii wadi doonta qabashada Doodaha ay shacabka fursad ugu helayaan in su’aallahooda ku saabsan Dastuurka looga Jawaabo.

Previous Post

Maamulka Buur hakaba oo faahfaahiyay howlaha ka socda degmada + Sawirro

Next Post

Dhegeyso:- Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Next Post
Dhegeyso:- Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Dhegeyso:- Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In