Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baarlamaanka Oo Soo Gaba gabaowday Iyadoo dooda aysan dhamaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dooda Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo soo gaaray Guddoonka Baarlamaanka 16-ka bishii November ee aynu ka soo gudubnay waxa ay si rasmi ah u bilaabatay  barqanimadii maanta waxaana furitaankii kulanka uu Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u sharaxay Xildhibaannada Golaha Shacabka habraaca lagu hagayo doodaha mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaaraha.

Xildhibaan Axmed Mayoow (Cornel Ruush) oo ka mid ah Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan oo magacyada Xildhibaannada ku saxiixan mooshinkan u akhriyey Xildhibaannada ayaa sharaxay waxyaabaha ay u cuskadeen mooshinkan ay ku dalbanayaan in codka kalsoonida lagala laabto Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayadoo Xildhibaanadanna ay qodobada mooshinkooda ku muujiyeen wada shaqeyn la’aanta laamaha Madaxtooyada iyo Fulinta.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Tirada Xildhibaannada isku qortay iney dooda mooshinkan ka qeyb qaataan oo badneyd aawgeed waxa uu Guddoonka Baarlamaanka u soo jeediyey Xildhibaannada iney goostaan waqtiga uu xildhibaanku ra’yigiisa ku dhiiban karo taasi oo lagu go’aamiyey Afar daqiiqo waxaana aragtida Xildhibaannadu biya dhacoodu ahaa laba dhinac oo aheyd in Xukuumadda kalsoonida lagala laabto iyo inaanay habooneyn mooshinkan xiligan waloow ay jireen Mudaneyaal iyaguna si dhex dhexaad ah aragtidooda u soo bandhigay.

Inkastoo kulanka Baarlamaanka maanta uu ahaa kulankii ugu shaqada adkaa ee ay Xidlhibaannadu si xiriir ah u shaqeeyaan saacado badan oo kulankana uu soo gaaray salaadii maqrib ayaa hadana howsha la xiriirta mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadiisa weli waxa ay tahay faanoole fari kama qodna waayo waxaa harsan Xildhibaanno badan oo doonaya iney aragtidooda dhiibtaan.

Previous Post

RW Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan hore Liibaan, una rajeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustafe

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In