Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baarlamaanka Oo Soo Gaba gabaowday Iyadoo dooda aysan dhamaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dooda Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumaddiisa oo soo gaaray Guddoonka Baarlamaanka 16-ka bishii November ee aynu ka soo gudubnay waxa ay si rasmi ah u bilaabatay  barqanimadii maanta waxaana furitaankii kulanka uu Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u sharaxay Xildhibaannada Golaha Shacabka habraaca lagu hagayo doodaha mooshinka kalsooni kala noqoshada Ra’isulwasaaraha.

Xildhibaan Axmed Mayoow (Cornel Ruush) oo ka mid ah Xildhibaannada soo saxiixay mooshinkan oo magacyada Xildhibaannada ku saxiixan mooshinkan u akhriyey Xildhibaannada ayaa sharaxay waxyaabaha ay u cuskadeen mooshinkan ay ku dalbanayaan in codka kalsoonida lagala laabto Ra’isul wasaaraha iyo Xukuumadiisa ayadoo Xildhibaanadanna ay qodobada mooshinkooda ku muujiyeen wada shaqeyn la’aanta laamaha Madaxtooyada iyo Fulinta.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026

Tirada Xildhibaannada isku qortay iney dooda mooshinkan ka qeyb qaataan oo badneyd aawgeed waxa uu Guddoonka Baarlamaanka u soo jeediyey Xildhibaannada iney goostaan waqtiga uu xildhibaanku ra’yigiisa ku dhiiban karo taasi oo lagu go’aamiyey Afar daqiiqo waxaana aragtida Xildhibaannadu biya dhacoodu ahaa laba dhinac oo aheyd in Xukuumadda kalsoonida lagala laabto iyo inaanay habooneyn mooshinkan xiligan waloow ay jireen Mudaneyaal iyaguna si dhex dhexaad ah aragtidooda u soo bandhigay.

Inkastoo kulanka Baarlamaanka maanta uu ahaa kulankii ugu shaqada adkaa ee ay Xidlhibaannadu si xiriir ah u shaqeeyaan saacado badan oo kulankana uu soo gaaray salaadii maqrib ayaa hadana howsha la xiriirta mooshinka Kalsooni kala noqoshada Ra’isul wasaaraha iyo xukuumadiisa weli waxa ay tahay faanoole fari kama qodna waayo waxaa harsan Xildhibaanno badan oo doonaya iney aragtidooda dhiibtaan.

Previous Post

RW Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey geeridii Xildhibaan hore Liibaan, una rajeyey caafimaad Xildhibaan Mayow Mustafe

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In