kulanka baarlamaanka ee maanta oo soo gaaray galabta ayaa waxaa soconaya dooda xildhibaannada, iyadoo xildhibaanada maanta loo qeybiyey waraaqaha xildhibaanada saxiixey mooshinka, iyada oo la guda galay ka doodista Mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’isulwasaare C/weli Sheekh Axmed.
guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn xildhibaannada la hadlay ayaa sheegay in xildhibaannada ay go’aan ka gaaraarayaan masiirka umadda Soomaaliyeed loona baahan yahay si daacadnimo leh in ay ugu shaqeeyaan umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaannada baarlamaanka ka doodayaa mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay xildhibaannadu soo gudbiyeen, waxaana dood kulul ay ka yeelanayaan xildhibaannada mooshinka.
Dooda Xildhibaanadda oo weli soconeysa Waan idiin soo gudbin doonaa Insha’alah.