Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Doorashada Aqalka Hoose oo markale ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Doorashada aqalka hoose oo saaka ka bilaabaneysa Kismaayo iyo Baydhaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo ayaa maanlinkii labaad waxaa ka soconaya doorashooyinka Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka magaalooyinkaasina si weyn loo adkeeyey.

Aadan Kismaayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Jubbooyinka ayaa ku soo waramay in magaalada Kisamaayo ay maalintii labaad la sii guda geli doorashada aqalka Hoose, waxaana maanta loo fadhiyaa in la doorto 12 kursi oo ka mid ah aqalka Hoose ee baarlamaanka, iyadoo shalay la doortay 7 kursi .

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in gelinka hore ee maanta la qosheeyay in la doorto ilaa iyo lix mudane, halka lixda kale la doonayo in la doorto gelinka dambe ee maanta.

42 Xildhibaan laga doonayo inay ka soo baxaan doorashooyinka aqalka Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland uga qeyb galaya baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya.

Sidoo kale magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka soconaya doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka oo maanta lagu wado in la doorto 8, mudane, maadaama shalay ay soo baxeen 7 Xildhibaan oo uu ku jiray Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Koonfur Galbeed Siraajii Sheekh Isxaaq ayaa ku soo waramay in si aad ah loo adkeeyay amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka.

Tirada guud ee kuraasta Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa ah 69 kursi.

 

Previous Post

Natiijooyin horudhac ah oo ka soo baxaysa doorashada Madaxtinimada Mareykanka

Next Post

Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kormeeray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab”SAWIRRO”

Next Post
Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kormeeray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab”SAWIRRO”

Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo kormeeray Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab"SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In