Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada guddoonka aqalka sare oo la shaaciyay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Doorashada guddoonka aqalka sare oo la shaaciyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga kowaad kulankiisa saddexaad ayey maanta yeesheen xildhibaanada  Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominaayey gudoomiyaha KMG ah, xildhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Xildhibaanada soo xadiray oo 44 xildhibaan  ahaa ayaa ugu horreyn waxaa halkaasi lagu dhaariyey xildhibaano cusub oo ku soo biiray Aqalka sare waxaana ajandayaashii maanta ka mid ahaa  xulashada guddiga doorashooyinka guddoonka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Talo soo jeedinta Xildhibanada kadib ayaa la doortay lix xildhibaan oo noqon doona guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Aqalka Sare Prof. Maxamed Cismaan Faarax ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada Aqalka Sare Barlamaanka.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah;

  1. Maxamed Cusmaan Faarax (Guddoomiye) oo laga soo doortay Hirshabeele
  2. Farxaan Cali Xuseen (Xoghaye) oo laga soo doortay Puntland
  3. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag (Xubin) oo laga soo doortay Jubaland
  4. Jawaahir Axmed Cilmi (Xubin) oo laga soo doortay Galmudug
  5. Xuseen Sheekh Maxamuud (Xubin) oo laga soo doortay Koofur Galbeed
  6. Cabdirisaaq Axmed Cali (Xubin)  oo ka soo jeeda Somaliland

Guddiga ayaa sheegay in la billaabayo diiwaangelinta Musharraxiinta maalinta Talaadada ah oo ay bishu tahay 17-ka Janaayo, iyadoo 21-ka bishan la dhageysan doono Khudbadaha Musharraxiinta halka 22-kana la qaban doono doorashada guddoonka Aqaalka sare ee Barlamaanka.

Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Soomaaliya yeelato, waxaana uu ka kooban yahay 54 xubnood, marka la soo dhammeystiro Xubnaha ka dhiman sida uu qabo dastuurka KMG ah.

vlcsnap-2017-01-16-14h24m28s253 vlcsnap-2017-01-16-14h25m12s0 vlcsnap-2017-01-16-14h25m47s86 vlcsnap-2017-01-16-14h27m28s65 vlcsnap-2017-01-16-14h31m23s141 vlcsnap-2017-01-16-14h33m54s115 vlcsnap-2017-01-16-14h38m17s163

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo “SAWIRRO”

Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In