Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada guddoonka aqalka sare oo la shaaciyay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Doorashada guddoonka aqalka sare oo la shaaciyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga kowaad kulankiisa saddexaad ayey maanta yeesheen xildhibaanada  Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominaayey gudoomiyaha KMG ah, xildhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Xildhibaanada soo xadiray oo 44 xildhibaan  ahaa ayaa ugu horreyn waxaa halkaasi lagu dhaariyey xildhibaano cusub oo ku soo biiray Aqalka sare waxaana ajandayaashii maanta ka mid ahaa  xulashada guddiga doorashooyinka guddoonka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Talo soo jeedinta Xildhibanada kadib ayaa la doortay lix xildhibaan oo noqon doona guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Aqalka Sare Prof. Maxamed Cismaan Faarax ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada Aqalka Sare Barlamaanka.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah;

  1. Maxamed Cusmaan Faarax (Guddoomiye) oo laga soo doortay Hirshabeele
  2. Farxaan Cali Xuseen (Xoghaye) oo laga soo doortay Puntland
  3. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag (Xubin) oo laga soo doortay Jubaland
  4. Jawaahir Axmed Cilmi (Xubin) oo laga soo doortay Galmudug
  5. Xuseen Sheekh Maxamuud (Xubin) oo laga soo doortay Koofur Galbeed
  6. Cabdirisaaq Axmed Cali (Xubin)  oo ka soo jeeda Somaliland

Guddiga ayaa sheegay in la billaabayo diiwaangelinta Musharraxiinta maalinta Talaadada ah oo ay bishu tahay 17-ka Janaayo, iyadoo 21-ka bishan la dhageysan doono Khudbadaha Musharraxiinta halka 22-kana la qaban doono doorashada guddoonka Aqaalka sare ee Barlamaanka.

Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Soomaaliya yeelato, waxaana uu ka kooban yahay 54 xubnood, marka la soo dhammeystiro Xubnaha ka dhiman sida uu qabo dastuurka KMG ah.

vlcsnap-2017-01-16-14h24m28s253 vlcsnap-2017-01-16-14h25m12s0 vlcsnap-2017-01-16-14h25m47s86 vlcsnap-2017-01-16-14h27m28s65 vlcsnap-2017-01-16-14h31m23s141 vlcsnap-2017-01-16-14h33m54s115 vlcsnap-2017-01-16-14h38m17s163

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo “SAWIRRO”

Madaxwayne kuxigeenka Puntland oo Gaadiid Guddoonsiiyay Maxkamadaha Dangorayo iyo xarfo "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In