Guddomiye ku-xigeenka guddiga badbaadinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa shirkaan jaraa`id oo uu saxafada ugu qabtey maqaalada Muqdisho waxa uu kaga dhawaaqey in 20ka bishaan lagu qaban doono Muqdisho, shirweyne looga hadlayo aayaha Wariyeyaasha Soomaaliyeed, laguna dooran doono hogaanka cusub ee NUSOJ, kaaso ay ka qeyb gale doonan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo bahda Warbaahinta.
Ismaaciil Sheekh Khaliif oo ah guddomiye ku-xigeenka guddiga ayaa sheegay in shirkaas uu furey yahay dhamaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, balse aysan jirin iney cida gaar ah ay waddo.
Guddiga badbaadinta suxufiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ku guleystay iney xal ka garaan khilaafkii uu dhexeyay dhincaydii isku hayay hogaanka Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, waxaana 20-ka bishan lagu madlanyahay in la qabto doorasho ku saabsan cidda qabaneyso xilka hogaanka NUSOJ.
Sawir qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir