Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga gurmadka abaaraha oo lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 3, 2016
in Wararka
0
Guddiga gurmadka abaaraha oo lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga abaaraha ee dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ku jiraan odoyaal dhaqameed, waxgarad iyo ururrada bulshada rayidka ayaa maanta deeqda hal milyan oo ay dhiibtay dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaarsiiyay guddiga aabaraha ee Soomaaliland.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Hargeysa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland iyo guddiga abaaraha ee maamulkasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Guddoomiyaha Guddiga abaaraha ee dalka  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in socdaalkoodu uu la xiriirto sidii ay u gaarsiin lahaayeen kaalmo dhaqaale.

“Waa waajib Islaami ah, waa waajib waddani ah, waxaan nahay dad Walaalo ah, waana ku faraxsanahay inaan maanta idin soo gaarno oo aan idin guddoonsiino hal milyan oo doolar” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna iloobi doonin gurmadkii maamulka Soomaaliland ay kaga qeyb qaateen abaarihii ka jirtay Koonfurta Soomaaliya, haatana ay diyaar u yihiin in dhankooda ay gurmad ka geysanayaan dadka ay abaaruhu saameeyen.

 

 

 

Previous Post

Doorashada Hogaanka NUSOJ oo la shaaciyay “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo kormeeray waddooyin dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka banaadir oo kormeeray waddooyin dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo kormeeray waddooyin dib u dhis lagu sameynayo "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In