Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta qatay doorashada Saddexdii kursi ee ugu dambeeya 46 kursi ee Golaha Shacabka ku matalayo degaanada Gobolada Waqooyi.
Kursiga ugu horeyay Hop#243 ayaa waxa ku guuleystay Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay xildhibaan Samsam oo heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba qof
Kursiga labaad Hop#206 ee golaha shacabka BJFS ayaa isna waxaa ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cabdi kaa oo doorashadiisa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleysatay kursiga Saddexada ee Hop#259 ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.