Friday, December 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kursigaan waxaa ku tartamaya xubno si weyn looga yaqaano siyaasadda Soomaaliya,  Musharixiinta kursiga ku loolamaya ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, iyagoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliima Yarey oo ka hadashay doorashada ayaa akhrisay magacyada Musharaxiinta 6-da ee ku tartamaya Kursigan, waxaana ay ka mahad celisay kaalinta uu Maamulka Hirshabeelle ka qaatay fududeynta howsha.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Waxaana Hoolka ay ka dhaceysa Doorashada ku sugan 51 Ergo ee dooraneysa Lixda Musharax ee kursiga ku loolamaya kaasoo ka mid noqon doono XildhibaadaGolaha shacabka.

Magacyada Musharaxiinta tartameysa ayaa waxay kala yihiin:-

1- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

2- Cali C/llaahi Cosoble

3- Dahir Cabdulle Cawaale

4- Nuur Iidow Beyle

5- Dahabo Xasan Axmed

6- Xuseen Axmed Geelle

Kursigan lagu tartamo ayaa doorashadiisa uu horey ugu guuleystay Taliyihii hore Hey’adda Nabad Suggida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kaddib markii loo magacaabay taliyaha hey’adda Nabad-sugida Qaranka.

Previous Post

Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ( Somali Diaspora Youth Conference) oo lagu qabtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia”Sawirro

Next Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

Next Post
Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Kulmay

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In