Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada Mid kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhacday Dhuusamareeb+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Masuuliyiinta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in Doorashada Kursigii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Kursigaan waxaa ku tartamayey Sadex Musharax oo kala ah Cabduulaahi Faarax Weheliye, Maxamed Cilmi Afrax iyo Cabdulle Faarax Xirsi.

Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo natiijada ku dhawaaqday ayaa sheegtay in Doorashadu ay u dhacday sidii loogu talo galay, islamarkaana dadkii ka qeyb galay ku amaantay hanaanka ay u ilaaliyeen shuruucda Doorashada.

Musharax Cabdullaahi Faarax Weheliye oo doorashada ku guuleystay ayaa uga mahad celiyey Guddiga sida wanaagsan ee Doorashada loo maamulay, waxaana ku bogaadiyey Musharaxiintii la tartamay sida ay u aqbaleen Natiijada.

Kursiga loo tartamay ee Golaha Shacabka waxaa ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo dhawaan ku geeriyooday dalka India.

Previous Post

Daawo: Doorashada Kursiga Golaha Shacabka ee ka socota Dhuusamareeb

Next Post

R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

Next Post
R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In