Afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Mudane Maxamed Keynaan oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in doorashada xubnaha golaha shacabka ay maalinta barri ah ka billaaban doonto magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo u ah Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in si wanaagsan ay u socdan howlaha doorashooyinka ee dalka, islamarkaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in si qurux badan ay usoo dhamaadaan.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa dadaal weyn ugu jira hirgalinta doorashooyinka dalka.