Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashadii maantay ee  Aqalka sare oo Baydhabo la gu soo gaba gebeeyay “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Doorashadii maantay ee  Aqalka sare oo Baydhabo la gu soo gaba gebeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo ay codeynayaan Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana doorashada oo saaka bilaabatay la doortay Shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa ku tartamay Samsam Ibraahim Cali & Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Sanoter Samsam Ibraahim Cali oo ay heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay 5 Cod, waxaana halaabay 7.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waxaana kusiga labaad ee Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo heshay 79 Cod halka Farxiyo Nuur ay heshay Cod 8 Cod.

Kursiga Seddexaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed waxaa  ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ah iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana kursiga ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed  oo helay 80 Cod halka adan Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 Cod, waxaana halaabay 6 Cod.

Kursiga Afaraad ee Aqalka Sare waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) oo helay 76 Cod halka Nuur Baabul Cadow uu helay 9 Cod.

Kursiga Shanaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaana kursiga Xildhibaannimo ku guuleystay Xuseen Maxamed Daahir, isaga oo helay 71 Cod halka Xasan Maxamed Nuur uu helay 7 Cod, waxaana halaabay 10 Cod

Maamulka Jubbaland ayaa ahaa Maamulkii ugu horreeyay ee bilaabay doorashada Aqalka Sare waxaana ka soobaxay 4 Senator, Maamulka Koonfur Galbeed ayaana noqonaya maamulkii 2aad ee qabta dooorashooyinka Aqalka sare.

Previous Post

Dood cilmiyeed ku saabsan sida looga gudbi karo caqabadaha ay haweenku wajahaan xilliga doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In