Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashadii maantay ee  Aqalka sare oo Baydhabo la gu soo gaba gebeeyay “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
August 2, 2021
in Wararka
0
Doorashadii maantay ee  Aqalka sare oo Baydhabo la gu soo gaba gebeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo ay codeynayaan Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana doorashada oo saaka bilaabatay la doortay Shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa ku tartamay Samsam Ibraahim Cali & Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Sanoter Samsam Ibraahim Cali oo ay heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay 5 Cod, waxaana halaabay 7.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waxaana kusiga labaad ee Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo heshay 79 Cod halka Farxiyo Nuur ay heshay Cod 8 Cod.

Kursiga Seddexaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed waxaa  ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka ah iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana kursiga ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed  oo helay 80 Cod halka adan Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 Cod, waxaana halaabay 6 Cod.

Kursiga Afaraad ee Aqalka Sare waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) oo helay 76 Cod halka Nuur Baabul Cadow uu helay 9 Cod.

Kursiga Shanaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaana kursiga Xildhibaannimo ku guuleystay Xuseen Maxamed Daahir, isaga oo helay 71 Cod halka Xasan Maxamed Nuur uu helay 7 Cod, waxaana halaabay 10 Cod

Maamulka Jubbaland ayaa ahaa Maamulkii ugu horreeyay ee bilaabay doorashada Aqalka Sare waxaana ka soobaxay 4 Senator, Maamulka Koonfur Galbeed ayaana noqonaya maamulkii 2aad ee qabta dooorashooyinka Aqalka sare.

 

Previous Post

Dood cilmiyeed ku saabsan sida looga gudbi karo caqabadaha ay haweenku wajahaan xilliga doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

Next Post
Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo gacanta ku dhigay Camaara oo saldhig wayn ay ku lahaayeen nabadiidka Al-Shabaab

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In