Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 11, 2016
in Wararka
0
Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_4231-640x427

Kulankan oo ahaa mid lagu daah furayey wacyi gelin la xiriirta sidii haweenku ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinka la filayo 2016-ka , waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan AMISOM, xubno matalayey Wasaaradda Haweenka Soomaaliya, maamulka degmada Waaberi iyo haween ka kala socday waaxyaha degmadaasi.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

AMISOM oo hormuud u ah wacyi gelintan ayaa ugu talo gashay in haweenku ay door muuqda ku yeeshaan doorashooyinka la filayo iyo sidoo kale in la hubiyo in haweenku ay heleen qoondada loogu talo galay ee lagu sheegay in ay tahay 30% boqolkiiba sodon.

Guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Xaawo Maxamuud Cali oo furitaanka kulanka hadashay ayaa sheegtay in wacyigelintan ay door muuqdo ka qaadan karto isku duubnida haweenka.

“Waa wacyi gelin ku aadan in dumarka ay helaan ka qeyb gal wanaagsan marka laga hadlayo doorashooyinka lafilayo sanadkaan”ayey tiri Xaawo Maxamuud Cali

Cadar Shalaqbeen oo ku hadleysay magaca Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquul insaanka ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay ka qeyn qaadan doonto in la helo xuquuda dumarka.

“Mar walba waxaan diyaar u nahay in haweenka xaqooda ay u dagaallano, sababtoo ah inagaa ka mas’uul ah, hadda si gaar ah ayaan u hin doonaa in kuraastooda ay helaan”Cadar Shalaqbeen ayaa sidaasi tiri

Ku xigeenka madaxa AMISOM Ladia Wayotta ayaa muujisay in wacyi gelintan la gaarsiin doono meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, muhiimaduna ay tahay in mar waliba la muujiyo lagama maarmaanimada in haweenku ay doorkooda qaataan.

“Waa muhiim in haweenka ay doorkooda qaataan sababtoo ah xaq ayey u leeyihiin markaan, wacyi galintaan waxey gaari doontaa meelo badan oo Soomaaliya kamid ah”sidaasi waxaa tiri Ladia Wayotta

 

 

Previous Post

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Next Post

Baarlamaanka oo meel mariyay hindise sharciyeedka Maxkamadda dastuuriga

Next Post
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda

Baarlamaanka oo meel mariyay hindise sharciyeedka Maxkamadda dastuuriga

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In