Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Haweenka ee siyaasadda dalka oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Xuska maalinta haweenka adduunka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ay isugu yimaadeen ururrada haweenka ee ka jirta caasimadda, isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay doorka haweenka ee siyaadda ku leeyihiin iyo qoondada ay horey dowladda u balan qaaday ee ah in 30% ay haweenku leeyihiin baarlamaanka.

Qaar ka mid ah haweenkii kulanka ka hadlay ayaa yiri “Haweenku waa udub dhexaadka dhismaha Dowladnimada Soomaaliya, waxaan doonaynaa inaan helno xaqeena ay ku leenahay baarlamaanka iyo Hay’adaha Dastuuriga ee dalka”.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwa Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa sheegtay in haweenku ay udub dhexaad u yihiin Nabadda iyo horumarka muhiimna Ay u yihiin dhismaha Dowladnimada.

“Horumar iyo Nolol waxa ay ku xeranyihiin Haweenka, waxaan doonaynaa in aan helno Qoondada Barlamaanka cusub ee dalka waliba labada Aqal” ayay tiri Marwo Batuulo.

Wasiiro Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa haweenka u muujiyay kalsooni iyo sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay uga go’antahay in Haweenku helaan Qoondada Barlamaanka cusub.

“Waxaan idin balan qaadaynaa inaan ku dadaalno helidda qoondada Barlamaanka cusub, waxaana loo baahan yahay dadaal wadajir ah, waan aaminsanahay in haweenku waxqabad leeyihiin, waxaana rajaynaynaa inaad heshaan balanqaadkiina” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha.

 

 

Previous Post

Xildhibaan Maryan Qaasim oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay dalka Thailand “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada Kumaandooska oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Next Post
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Ciidamada Kumaandooska oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In