Tababar ay soo qabanqaabisay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa loo qabtay qaar ka gabdhaha suxufiyiinta ka howgla Idaacadda Muqdisho, waxaana uu ku saabsanaa doorka saxaafadda ay ka qaadan karto kor u qaadida caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
25 gabdhood oo kamid ah hablaha saxafiyiinta ah oo ka howlgala Idaacadaha ku yaala magaalada Muqdisho ayaa tababarkan loo qabtay.
Agaasimaha qalabaynta iyo dawadda ee wasaaradda caafimaadka Dr C/Risaaq Axmed Yuusuf oo furay tababarkaasi ayaa sheegay in waqtigaan loo baahanyahay in saxafadda ay door weyn ay ka ciyaarto u ololeynta adeeega caafimaadka hooyadda iyo dhallaanka.
“Waxaad la socotaan in Soomaaliya ay noqotay wadanka ugu liita ay ku umusho hooyo ama ay ku taranto marka ,mana ahan wax yar geerida hooyadda dhalaanka waana midda naga dhigatay in aan joogno wadanka heerka xaaladdaha caafimaadka ay liidato”, ayuu yiri C/rasaaq.
Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa hor yaala wax ka qabashadda daryeel la’aanta caafimaadka ee hooyadda uur leh iyo carruurta yar yar,xili wasaaradda caafimaadka ay sheegtay in loo baahanyahay olole qaran wax looga qabanayo arintaas.
Sawir Qaade: Haaruun Yuusuf