Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorka Shiinaha oo ka qaadan karo joojinta colaadda Ukraine

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
4 years ago
in Wararka
0
Doorka Shiinaha oo ka qaadan karo joojinta colaadda Ukraine
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhigiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa wada hadal dhanka telefoonka ah ka yeeshay xaaladda dagaalka saameeyay dalka dhaca Yurubta bari ee Ukraine.

Wang ayaa u sheegay Kuleba sida ay ugu xun yihiin dagaalka ka socda dalkiisa isagoo u muujiyay sida ay ula dareemayaan dhibaatada heysata shacabka dalka Ukraine, sida ay tabisay wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa warbaahinta dowladda Shiinaha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026

Wada hadalkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo labadan mas’uul yeeshaan tan iyo markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine sideed maalmood ka hor.

Wasiirka arrimaha dibadda Ukraine Dmytro Kuleba ayaa Shiinaha ka codsaday in ay Moscow ku cadaadiyaan sidii ay u joojin laheyd dagaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Mr Wang waxaa uu xusay in ay sameyn doonaan wixii karaankooda ah oo lagu joojin karo dagaalka lagu hoobtay ee Ukraine ka socda.

Todobaadkii hore Shiinaha ayaa ka aamusay codeynta qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku cambaareeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir diblomaasiyadeed oo aad u sareeya, labadan dal waxay si weyn uga soo hor jeedaan siyaasadda dalalka reer galbeedka oo Mareykanka horumuud u yahay.

Previous Post

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose

Next Post

Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Next Post
Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Wasiirka amniga oo shir kaga qeybgalay Tunisa +Sawirro

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda Mercy Corps

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday...

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

Wasaaradda Howlaha guud XFS oo hormuud u ah dardargelinta mashruuca garoonka New Muqdisho

February 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa maanta shir heer...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Switzerland

February 3, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday Hay’adda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran

February 3, 2026
0

Dowladda Soomaaliya War-saxaafadeed ay soo saartay markale ku celisay inay ahmiyad siineyso wada-hadal Qaran Screenshot  

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In