Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad.

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayay sii xoojinta wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihiin bulshadu isla markaana daba socday kulamo mudooyinkii u danbeyay u dhaxeeyay masuuliyiinta wasaaradaha caafimaadka labada dowlad gobaleed ee Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Galkacyo.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Kulanka oo ay si wadjir ah u shir gudoominayeen wasiiradda caafimaadka Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay howl wadeeno ka socday wasaaradaha caafimaadka labada dowlad gobaleed agaasimayaasha  labada isbitaal ee waaweeyn  ee Galmudug iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo waxaana kulanka intiisa badan layskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa daboolista adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin si isku mid ahna loogu adeegi lahaa shacabka Soomaaliyed.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Galmudug Dr C/wali C/llaahi Jaamac ayaana ugu horeyn kulanka ka hadlay waxaana uuna faah faahin ka bixiyay ujeedka kulanka oo tilmaamay in uu yahay mid labada wasaaradood ay uga gol leeyihiin in la sii xoojiyo wada shaqeynta dhanka adeegyada caafimaad ee ay bulshada u baahan yihiin sidoo kalana kulankan uu daba socdo kulamo madaxda labada wasaaradood ay ku yeesheen magaalada garoowe iyo magaalooyin kale oo ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka puntland.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax xasan ayaa isna dhankiisa  xusay in lama huraan ay tahay in la xoojiyo qorshaha wada shaqeynta bahda caafimaadka Puntland iyo Galmudug oo mudooyinkii u danbeysay ay ka muuqanayeen iskaashi wanaagsan

Ugu danbeyn labadda wasiir iyo masuuliyiinta ka socday qeybaha kala duwan ee wasaaradahaasi ayaa si wadajir ah kormeer ballaaran ugu sameeyay qeybo ka mida isbitaalka weyn ee Gaalkacyo Galmudug iyo howlaha shaqo  ee isbitaalku u bulshadu u hayo iyagoona warbixino la xariira xaaladaha bukaanada isbitaalka ku jira ka dhageysaty dhaqaatiirta iyo howladeenada caafimaadka.

Previous Post

Dawladda Yemen ayaa ku eedaysay weerar ka dhacay Marib oo ay ku dhinteen 17 qof.

Next Post

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka “SAWIRRO “

Next Post
Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka “SAWIRRO “

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka “SAWIRRO “

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In