Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa qorsheynaysa in Gudniinka Fircooniga laga mamnuuco dhammaan ga’yiga Soomaaliyeed.
” Waxaa la gaadhay wakhtigii aan cidhibtiri laheyn ku dhaqanka caada’da xun ee Gudniinka Fircooniga ee aan dufaaci laheyn gabdhaheena iyo haweenka xuquuqda ay ku leeyihiin Dalkooda,” ayay tidhi Marwo Sahra , mar ay u warameysay Warbaahinta Horseed Media.
Hadalka Waziirka ayaa ku soo beegmaya wakhti meelo badan oo Dunida aan ku nool nahay laga hadal hayo sidii gabi ahaanba Dunida looga tirtiri lahaa Gudniinka Fircooniga.
In ka badan 125 Malyan oo gabdho iyo haween ah ayaa dhibane u noqday Gudniinka Fircooniga sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee loo soo gaabiyo WHO.
Gudniinka Fircooniga oo si weyn loogaga dhaqmo dhammaan gayiga Soomaaliyeed iyo wadamada Dunida qaarkood ayay Qaramada Midoobey madnuucnay Sanadkii 2012-ka.
Julie Ward oo ka mid ah Midowga Baarlamaanka Yurub ayaa waxa ay sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay ula dagaalami laheyd Gudniinka Fircooniga, is la markaasta ay u xaqiijin laheyd in hadalka ficil ahaan loo badalo.
Xildhibaanada ayaa intaas ku dartay, “ol’olaha ka dhanka ah Gundiinka Fircoonigu wuu socon doonaa abid, waana laga wada munaaqashoon iyada oo la la kaashanayo qeybaha bulshada si wacyiga bulshada kor loogu qaado in ka warqabka ujeedkuna yahay in Fircooniga geedka gunta loogu jaro.
“Waxa aan dooneynaa in hadal heynta gabdhaha iyo dumarka dhibanaha u noqday la badiyo iyada oo la xusayo dhibka ka soo maray si loo siiyo xaqdhowrka ay mudan yihiin ,” ayay tidhi Julie Ward MEP oo Baarlaamka Midowga Yurub u qaabilsan Xuquuqda Dumarka iyo Sinaanta Jinsiga ee labka iyo dhadiga.
Haweenka Dunida awooda ku leh ayaa waxa ay sanadadii ugu danbeeyay bilaabeen in ay si weyn uga’ hawlgalaan joojinta dhibaatooyinka ku ladhan caada’dan foosha xun ee uu Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay uu dhaxalsiiyay Dunida.
Mar ay ka hadleysay Haweenayda madaxa uga ah Haweenka Qaramada Midoobay shir ay ka soo qeyb galeen hay’ada kala ah UNICEF iyo UNFPA bishii Febraayo ayay Phumzile Mlambo-Ngcuka arinka Gudniinka Fircooniga (GF) ku tilmaantay in uu yahay “Hoog iyo halaag lagula kaco gabdhaha jidhkooda.”
Waziirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Marwo Aniisa C/Qaadir Xaaji Mu’min oo marar badan la hadashay saxaafada Gobalka iyo Puntland Today ayaa sheegtay in ay wax qabadka horumarinta Haweenka oo ay ka mid tahay dabargoynta caada’da Gudniinka Fircooniga ay xooga saari doonto iyada oo lagu jaangoynayo waxay diinta Islaamku ka qabto.
” Ma jirto sabab ay dhib ugu mudan karaan gabdhuhu iyaga oo ciqaabta Gudniinka Fircooniga la marsiinayo. Waa caado gabowday oo gaamurtay, taasna boos uga’ma banaana qarnigan 21-aad ee aan ku jiro ,” ayuu yidhi M/weyne Barack Obama oo Dalka Kenya kula hadlayay 4,500 oo dad ah.
Waxa la is la qaatay in Caada’da Gudniinka Fircooniga ee wax jarida si mideysan oo caalami ah looga hortago ka dib markii la ogaaday in dhib mooyaane dheef u laheyn haweenka lagula kaco caada’dan foosha xun.
Qoraa Madax Banaan
Axmed Cabdi