Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Shiinaha oo amar dul dhigtay  beeralayda Dalka Maraykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowlada Shiinaha oo amar dul dhigtay  beeralayda Dalka Maraykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dagaalkan  u dhexeya labada dawladood ee dhanka ganacsiga  ayaa bilowaday kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu canshuuro dheeraad ah  ku soo rogay birta Shiinaha u dhoofiyo Maraykanka.

dawlada shiinaha ayaa ganaax lacageed oo dhan 178.6% boqolkiiba kusoo rogaya beeralayda garoowga masagada ee dalka Maraykanka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

magasada  ayaa inta badan loo dhoofiyaa dalka Shiinaha, waxaana loo dhigaa xoolaha.

Maraykanka ayaa horey ugu eedeeyay Shiinaha in ay ku dhaqmaan ficilo ganacsi oo xagal daacin ah, iyaga oo xitaa shirkadaha Maraykanka ku qasba in ay la wadaagaan sirta Tiknoolajiyadda ay Maraykanka ku isticmaalaan, taas oo ka dhan shuruucda caalamiga ah ee ganacsiga.

Shiinaha ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay wax u eg in Maraykanka lagu qancinayo, taas oo ah in marka la gaaro sanadka 2022-ka la ogolaan doono in shirkadaha shisheeye ay boqolkiiba boqol yeelan karaan ganacsiyada ay ku leeyihiin dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa dhanka kale ku eedeynaya Maraykanka in ay badeecooyinka qiimo jaban ay ku  iibinayaan gudaha suuqayaada dalka  Shiinaha, taas ayaa  dhaawacaysa suuqa , beeralayda iyo warshadahaba dalkasi shiinaha.

Maraykanka ayaa dhankiisa sii wada ciqaabta ganacsi ee ka dhanka ah Shiinaha, todobaadkan waxa ay mamnuucis 7 sano ah kusoo rogeen shirkad kasta oo aalado ka iibisa shirkadda taleefoonada weyn ee Shiinaha

Wakiilada ganacsiga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay darsi doonaan talaabada shiinaha ee ka dhanka ah haruurka, kana fikirayaan sidii ay u horgeyn lahaayeen Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabelle oo QM kala hadlay in la caawiyo Dadka ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Masuuliyiin ka socday Hey’adda UNOPS ee Qaramada midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In