Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo Nairobi Ku Kala Saxiixday Heshiis Lagu Bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Dowlada”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka ayaa maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiis mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dhan 144 milyan oo doolar,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti),iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Mss Bella Bird oo bangiga aduunka u qaabilsan Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka maaliyadda ee mamulkaPuntland C/llahi Shiikh Axmed,wasiirka maaliyadda Jubbaland Ibraahim Xasan Cabdi iyo wasiirada Maaliyadda Galmudug iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale dhankooda ka saxiixay qaar ka mid ah wadamada deeq bixiyaasha ah ee lacagtan bixiyay oo ay ka mid ahaayeen Midowga yurub iyo dowlada talyaaniga,waxaana dhanka dowlada talyaaniga u saxiixay safiirka dowlada talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Fabrizio Marcelli,halka midowga yurubna ay u saxiixday Mss Daria Fane.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kadib saxiixa heshiiska u sheegay warbaahinta in mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan 144 milyan oo doolar uu yahay wajigii labaad oo ay dowlada Soomaaliya la saxiixato Bangiga Aduunka.

Wasiir Fargeeti ayaa intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyadaba ay si wanaagsan u maamuli doonaan lacagtan oo aysan mari doonin meel aan ahayn halkii loogu tala galay.

Bangiga aduunka iyo wadamada deeq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbeeyay dhinacyo badan ka taageerayay dowlada Soomaaliya.

IMG_0008 IMG_0010 IMG_0012 IMG_0014 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0019 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0024 IMG_0025 IMG_0027 IMG_0029 IMG_0030 IMG_0031 IMG_0032 IMG_0035 IMG_0036 IMG_0038 IMG_0042 IMG_0044 IMG_0047 IMG_0048 IMG_0049 IMG_0050 IMG_0052 IMG_0055 IMG_0056 IMG_0058 IMG_0061 IMG_0063 IMG_0064 IMG_0066 IMG_0067 IMG_0068 IMG_0070 IMG_0074 IMG_0078 IMG_0079 IMG_0081

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi(Somali)

Previous Post

Wasiir Mareeye oo Nairobi Kula Kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda USAID

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™ oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 π—Ÿπ—”π—§π—¨π—™, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In