Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowlada Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD oo magaalada Muqdisho kulan wada-tashi ah ku yeeshay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
IGAD welcomes government efforts to integrate Ahlu sunna forces into somali national forces
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ah oo ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan wada tashiga ah oo ay guddoomiyeen u qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Mohamed Ali Guyo ayaa daba-socda qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ah ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay so bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Danjire Balal ayaa tilmaamay in dadaallada iyo wada tashiyada heer IGAD ay xoojinayaan Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Dhankiisa, Maxamed Cali Guyo oo ah Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.
Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Isbadala siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee heer gobol iyo heer Qaaradeed, taasoo muujineysa dib u soo kabashada dowladnimada dalkeenna.

Previous Post

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo cambaareeyey dilka wariye Cabdiwali Cali Online

Next Post

Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

Next Post
Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In