Wednesday, August 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DF Soomaaliya oo qorsheyneysa in mushaarka loo kordhiyo ciidamada Qaranka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
DF Soomaaliya oo qorsheyneysa in mushaarka loo kordhiyo ciidamada Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay kordhiso musharaadka iyo garaamka ay qaataan ciidanka qaranka waqtiyada dhow.

Wasiir Bayle ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu ka qeyb-galayay munaasabad lagu abaal marinayay ciidanka Booliska ee ka shaqeynayay doorashooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya

August 12, 2026
Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi

Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi

August 12, 2026

“Waxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo iyo mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidanka Booliska iyo saraakiishooda inay sii kordhiyaan dadaalkooda, ayna xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga guud ee dalka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa munaasabadaas ka sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay si wanaagsan u sugayaan ammaanka goobaha lagu qabanayo doorashooyinka dalka.

Taliyaha ayaa xusay in hal askari uu geeriyooday intii ay socdeen doorashooyinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli askarigaas uu isku dayay in uu ka hortago kooxo dhagar-qabayaal ah oo doonayay in ay dhibaateeyaan erago u socotay doorashada qaar ka mid ah xildhibaanada gobollada waqooyi.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/-RHPYMIkRlQ?t=2

Previous Post

Guddiga qiimeynta xaaladda Garbahaareey oo guda galay howshooda “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya

August 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta kulan laba geesood...

Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi

Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP oo kala saxiixday Is-afgarad Iskaashi

August 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Mudane Christophoros Politis,...

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

August 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

August 11, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya- 11 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wadahadal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In