Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Kenya iyo China oo iska kaashanaya dhanka amniga

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Kenya iyo China oo iska kaashanaya dhanka amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Kenya waxaa ay xoojinaysaa xiriirka dhanka difaaca ee kala dhexeeya wadanka China si dowladda China ay Kenya ugu caawiso dagaalka ay kula jirto argagaxisada iyo burcadda badeedka, sidaa waxaa sheegay saraakiil Kenya ka tirsan.

Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya Raychelle Omamo  ayaa sheetay iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo China uu kor u qaaday ammaanka iyo nabaddageliyadda wadamada ku yaala bariga iyo geeska Afrika.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

“Dowladaha China iyo Kenya waxaa ay sii wadi doona iskaashiga dhanka difaaca ah si labada dowladood ay awood ugu yeeshaan doorkooda ku aadan wax ka qabadashada argagaxisada caalamka,” ayay tiri Omamo oo ka qeybgalaysay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 89 aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka xoreynta dadka Shiinaha oo lagu qabtay safaaradda Shiinaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sidoo kale sheegtay, in mudnaanta koowaad ee Kenya ay tahay in iskaashiga dhanka difaaca ah ee dalka Shiinaha ay la leeyihiin la xoojiyo isla markaana lala yimaado istiraatiijiyad kor u qaadaysa nabadda iyo deganaanshaha gobolka.

Kenya  ayaa iskaashiga dhanka militiriga ah oo ay la leedahay dalka Shiinaha waxaa ay kamid ah is dhaafsiga xogaha iyo laamaha mukhaabaraadka si looga hortago kooxaha argagaxisada iyo burcad badeedka ka qowleysata bad weynta Hindiya.

Mrs. Omamo xoghayaha difaaca, ayaa intaa ku dartay in taageerada dalka Shiinaha ay Kenya u tahay mid awood dheeraad ah siisay ciidanka dalka Kenya kuwaas oo la tacaaleya cadowga gudaha iyo kan dibadda ah.

U qeybsanaha safaaradda Shiinaha ee dalka Kenya dhanka militirga Qiu Yi, ayaa sheegay in Beijing ay ciidamo nabad ilaaliyeyaal ah u soo daabuli doonto wadamo kamid ah qaaradda Afrika si dalalkaas gacan ugu siiyan nabadda iyo xasiloonida.

” Ilaa iyo hadda, 2,400 oo militiriga dalka Shiinaha ayaa kamid ah howlgalka Qaramada midoobay muddo todobo sano ah kuwaas oo ka howlgala wadamada Mali iyo Suudaanta koofureed,” ayuu yiri  Qiu.

 

Previous Post

Hay’adda Ifraax Foundation oo Muqdisho ku qabatay dood ku saabsan dhibaatada gudniinka Fircowniga+Sawirro

Next Post

Masar oo raashiin gargaar ah ku wareegisay Soomaaliya

Next Post
Masar oo raashiin gargaar ah ku wareegisay Soomaaliya

Masar oo raashiin gargaar ah ku wareegisay Soomaaliya

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In