Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Reer Yurub oo ku kala qeybsan in xayiraad hubka ah la saaro Sucuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Reer Yurub oo ku kala qeybsan in xayiraad hubka ah la saaro Sucuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay xafiiska madaxweynaah Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Paris ay ka soo jorjeedp qorshe ku adan in xayiraada lagu soo rogo hubka Dalkalka Reer Yurub ee loo iib geeyo Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Qaar kamid ah dowladah Midowga Yurub kujira sida Dalka Austria ayaa soo jeediyay in talaabadaasi xayiraada ah ay mutaysato dowladda Sucuudiga sababo la xiriira dilkii dhawaan loo geystay wariye Jamaal Khashuqji,kaasi oo saameyn ku yeeshey xiriira u dhexeeya dowladaha Yurub iyo Sucuudiga.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Karin Kneissl oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka  Austria oo dalkeedu uu hayo madaxtinimada meertada ah ee Midowga Yurub ayaa muujiyay in dowlada dalkaasi ay riixayso qorshahaasi,balse waxaa jira dowlado kale oo go’aankaasi ka hor yimid.

Dhanka kale dowladda Dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa in ay dhaqan galisay xayiraad kumeel gaar ah, inta uu kala caddaanayo kiiska Jamal Khashoggi,inkasto wasiirka dhaqaalaha ee dalkaas uu xusay in ay furan tahay in Midowga Yurub ay si guud uga wada xaajoodaan mawqifkooda arritan ku aaddan,si ay u wada gaaraan go’aan ay u dhanyihiin.

Waxaa sidoo kale go’aanka faransiiska ku raacsan dowladda dalka Ingiriisak oo iyadu la aaminsan yahay in ay hub badan u dhoofiso dalka Sucuudiga,iyadoo ku badalanaysa balaayiin dollar,lamina saadaalin karo sida ay isugu raacidoonaan go’aanka xayiraadda iyo inkale,maadaama dowlado awood badan ay ka soo horjeesteen.

Previous Post

Ogeysiis Muhiim Ah: Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya

Next Post

TOOS U DAAWO SHIRKA KOOXDA XIRIIRKA SOOMAALIYA EE URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

Next Post
TOOS U DAAWO SHIRKA KOOXDA XIRIIRKA SOOMAALIYA EE URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

TOOS U DAAWO SHIRKA KOOXDA XIRIIRKA SOOMAALIYA EE URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In