Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo 200 milyan oo doolar lagu taabbagelinayo (War Saxafadeed)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiisyo 200 milyan oo doolar lagu taabbagelinayo (War Saxafadeed)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Muqdisho, November 28, 2017 – Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday illaa iyo shan heshiis oo kul sal go’an maalgashiga, dib u dhiska iyo fulinta mashaariic horumarineed oo waxtar leh.

Heshiiskan oo dhanka Dowladda Soomaaliya ay u kala saxiixeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, ayaa dhanka Dowladda Qatar waxaa u kala saxiixay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari iyo seddex wakiil oo kala matalayay hey’adaha kala ah Hey’adda Samafalka Qatar “Qatar Charity”, Hey’adda Waxbarashada ka shaqeysa ee loogu yeero “Education Above All” iyo hey’adda horumarinta bulshada ee loo yaqaan “Silatech”.

Munaasabadda saxiixidda heshiisyadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayey ku faah faahiyeen heshiisyada labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu caddeeyay in mashaariicda Dowladda Qatar ay ka fulin doonto Soomaaliya lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo ammaanay kaalinta muuqata ee Dowladda Qatar iyo hey’adaheeda ay ku yeelanayaan fullinta heshiisyada lagu ballamay in lagu horumariyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, barnaamijyo waxbarasho kala heer duwan, shaqa abuurid, tababarro farsamo-gacmeed, dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelinayo gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Fulinta heshiisyadan ayaa lagu hanweyn yahay in ay ka guul keenaan qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb tahay sare u qaadidda tayada waxbarashada, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta horumarka dhaqaalle.

Previous Post

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey Garoowe+Sawirro

Next Post

Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu maamusay Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya? ( Sawirro )

Next Post
Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu maamusay Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya? ( Sawirro )

Sidee Madaxweyne Farmaajo loogu maamusay Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya? ( Sawirro )

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In