Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo cambaareeyay weerarki Liido

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladaha Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo waddamo kale oo cambaareeyay weerarki Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha waddamada Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Koonfur Afrika ayaa si isku mid ah u cambaareeyey weerarkii habeenkii Khamiista ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo babxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu yiri ”’Waxaanu cambaareyneynaa weerarkan fooshan xun ee lala beegsaday shacabka iyo xaaladda soo hagaageyso ee dalka’’, waxaana dowladda Turkiga  caddeeysay in dowladda Soomaaliya ay ka taageereyso la dagaallanka argagixisada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iyaduna sheegtay in ayey aad u taageerayso qorshayaasha ay dowladda Soomaaliya kula dagaalameyso nooc kasta oo argagixiso ah ee ka jira Soomaaliya, waxayna beesha caalamka ugu baaqday in laga shaqeeyo sidii xididida loogu siibi lahaa, xalna loogu heli lahaa argagixisada Shabaab.

Sidoo kale dalka Koonfur Afrika ayaa  cambaareeyey weerarka xeebta Liido, waxayna dowladda Soomaaliya uga tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday weerarka.

War-saxaafadeed ka soo baxay waaxda iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in ay  kala siman yihiin Midowga Afrika iyo xubnaha kale ee caalamka cambaareynta weerarka lala eegtay rayidka, iyadoo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay falalka argagixisanimo.

Dowladda Koonfur Afrika ay sheegtay in ay ka go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerayso dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

Next Post

Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Next Post
Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In