Monday, November 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo Heshiis Wada Gaaray

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Afghanistan iyo Taliban oo Heshiis Wada Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilada dowladda Afghanistan iyo  Taliban ayaa wada gaaray heshiis hor u dhaca ah oo ku saabsan wadahadalada nabadda  ee u dhexeeya labada dhinac, waa heshiiskii qoraal ah ee ugu horeeyay ka dib 19 sano oo dagaal ah.

Heshiiska, arbacadii la saxiixay ayaa dhigaya in la sii wado wada xaagoodka gaar ahaan in horey loo dhaqaajiyo qodobada ay kamid yihiin, xabbad joojinta.

Related posts

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025

“Hanaanka waxaa ku jira in qeybaha hore ee wada xaajoodka la soo gabagebeeyo, wixii hadda ka dambeeyana ajendiyaasha wadahadalka la guda galo,” Nader Nadery, oo ka tirsan wakiilada dowladda ayaa Reuters, u sheegay.

Dhankooda, Taliban ayaa xaqiijiyay heshiiskaas sida uu Twitter soo dhigay afhayeenka kooxda.

Afhayeenka madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani, Sediq Sediqqi, ayaa xusay in heshiiska uu yahay talaabo horey loo qaaday, isagoo intaas ku daray in wada xaajoodku ku bilowday is faham guud oo ay ku jirto xabbad joojinta iyo qodobada muhiimka u ah dadka wadanka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa labada daraf ugu hambalyeeyay heshiis ay gaareen, isagoo tilmaamay in Mareykanku si dhab ah ula shaqeyn doona labada dhinac gaar ahaan yareynta dagaalada iyo xabbad joojinta.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan dib u heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khalilzad waxaa uu sheegay in labada dhinac gaareen heshiis ka kooban sadex bog oo ku jiraan hanaankii loo mari lahaa tubta wadahadalka siyaasadda iyo is fahamka xabbad joojinta.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay ka dib billo labada dhinac wada xaajood uga socday caasimadda Qatar ee Dooxa, waxaana si weyn u taageerayay Mareykanka, hase yeeshee, labadan daraf ee reer Afghanistan wali dagaal ayaa ku dhex maraya dalka.

Taliban ayaa diiday in heshiiska hor u dhaca ah lagu daro xabbad joojinta, inkastoo dalalka reer galbeed iyo ururada caalamiga ah ku booriyeen arrintan ayagoo xusay in xabbad joojin la sameyn doono marka wadahadalka lagu heshiiyo.

Wakiilka QM u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa soo dhoweeyay heshiiska, isagoo sheegay in tani fududeyn karto in heshiis nabadeed la gaaro.

Bishii hore, labada dhinac waxay gaareen heshiis, laakiin daqiiqaddii u dambeysay ayaa wakiilada Taliban ka baxeen heshiiska markii ay diideen sharciyadda dowladda Afghanistan.

Diplomaasiyiinta reer Yurub ee wadahadalkan fududeynaysa ayaa Reuters u sheegay in labada daraf u dhexeeyo kala aragti duwaansho badan.

“Labada dhinac waa in ay ogaadaan in reer galbeedka dulqaadka ka sii dhamaanayo isla markaana gargaarka la siiyo shuruud ku xiran tahay … sidaas awgeed waa in aad sameysaan horumar la arki karo ,” ayuu yiri diplomaasigan magaciisa qariyay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa lagu soo dhaweeyay heshiis waxayna sheegeen in tani tahay talaabo dhanka wanaaga loo qaaday.

Taliban waxaa xukunka ka tuurey 2001 xoogag caalami ah oo Mareykanka hormuud u ahaa ka dibna waxaa xukunka dalka loo dhiibay dowlad Mareykanku aqoonsan yahay inkastoo Taliban maamulaysay dhul balaaran oo Afghanistan ah haddana waxaa jiray dagaalo lagu hoobtay oo u dhexeeya ciidamada ajnabiga ah iyo Taliban.

Bishii Fibraayo ee sanadkan, waxaa heshiis wada gaaray Taliban iyo Mareykanka waxaana ku jira heshiiskaas in ciidanka caalamiga ah ka baxaan dalka bisha May ee sanadkan 2021 taa bedelkeedana Taliban balan qaaddo nabadda dalka Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa durba bilaabay in ciidanka Mareykanka laga soo saaro dalkaas inkastoo uu wajahayo dhaleeceyn ku aadan talaaabadaas. Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay in 2,500 oo askari ka soo saaray dalka Afghanistan.

Wasiirka arrrimaha dibadda Jarmalka Heiko Maas ayaa tallaabaddii la soo dhaafay  NATO uga digay in ka soo bixitaanka Afghanistan uu yahay mid aan qaan gaarin isla markaana loo baahan yahay in laga fiirsado.

 

Previous Post

Maalinka caalamiga ee dadka baahida gaarka qaba ama naafada ah oo aduunka laga xusayo

Next Post

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb-galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika+Sawirro

Next Post
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb-galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika+Sawirro

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb-galay shirka wasiirada Arrimaha Dibadda Afrika+Sawirro

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

November 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES...

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

Wasiirka Beeraha XFS oo Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee EAC

November 9, 2025
0

Wasiirka Beeraha XFS ayaa Magaalada Nairobi ka daah-furay Bandhigga Ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Dhismaha Xarun Cusub Ka Xarig Jaray Baraawe

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BARAAWE):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In