Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay Maanta Muqdisho shir ugu qabato wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlad Goboleedyada Dalka.
Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray dhammaan Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee maamul Goboleedyada Dalka ka jira si shirkaasi ay ugu qayb galaan.
Shirkan ayaa waxaa Guddoomin doona Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Max’ed Odawaa, waxaana qayb ka noqon doona Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Kulankan ayaa looga hadli doonaa dhismaha Dowladaha hoose ee maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya.