
RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo cambaareysay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida dalka.
Hadal ay ka jeedisay shir heer caalami ah oo ay isugu yimaadeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayay Wasiiraddu ku sheegtay in Soomaaliya tahay dal xor ah oo leh xuduud iyo dowlad si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana aysan jirin cid xaq u leh inay faragelin ku sameyso arrimaheeda gudaha.
Waxay si gaar ah u dhaleeceysay tallaabooyinka ay Israa’iil ku doonayso inay ku carqaladeyso midnimada Soomaaliya, iyadoo xustay in arrintaasi ay tahay mid ka hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.
“Dowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersan tahay midnimada qaran ee Soomaaliya, waxayna ka soo horjeeddaa xadgudub kasta oo ay Israa’iil ku sameyso madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka,” ayay tiri Wasiir Varsen Aghabekian Shahin.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si xooggan u difaaceyso midnimadeeda dhuleed, isla markaana ay taageero ballaaran ka helayso dalal badan oo caalamka ah, kuwaas oo caddeeyay inay ka soo horjeedaan tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo qarannimada Soomaaliya.











