Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka oo si weyn uga hadlay abaaraha dalka ka jira “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya.
Madaxweynaha oo furay shirka gurmadka abaaraha, ayaa kudbaddiisa uga hadlay khatarta abaarta ka jirta gobollada Soomaaliya  iyo  haddii aan wax laga qaban dhibaatada ka dhallan karta, madaxweynaha ayaa sheegay in halista ugu daran ay  tahay haweenka iyo carruurta ay saameysay arrintaasi, isla markaana ay waajib ku tahay dowladda oo kaashaneysa saaxiibadeeda beesha caalamka in si deg deg ah looga jawaabo oo gurmad la helo, abaarta waxa ay si la mid ah dadka u sameysay xoolaha iyo kaabayaashii kale sida biyaha iyo beeraha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn dooni istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,  madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.
Shirka waxaa joogey dowlad gobolleedyada Soomaaliya, wakiilladii u hadlay ayaa ka war-bixiyey xaaladaha daran ee abaarta, wakiillada Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen in xaaladdu ay ku sii socoto Macluul meelaha qaarna ay dad badan ugu dhinteen.
Dhinaca kale wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa  ka warramay natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga hadlayey.
Hey’addaha gargaarka ayaa sheegaya in illaa 600,00 oo caruur ah ay qatar ugu jiraan xaalad nafaqo darro, iyadoo loo baahan yahay in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah, dadka Soomaaliyeedna waajib gaar ah ayaa ka saaran gurmadkaan.
Ilaa bisha June xaaladda abaarta waxa ay  gaari doontaa 5.5 Milyan, Q.M waxa ay sheegtay in ay dalbeed lacag dhan 825 Milyan oo dollar  si gurmad dadka loogu gaarsiiyo haddan ay soo gaartay 75 Milyan.
Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo Magacaabay la taliyahiisa Dhanka Arimaha Bulshada.

Next Post

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Next Post
Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah ‘SAWIRO’

Maamulka Gobalka Mudug oo Bilaabay Biyo Dhaamin Socon Doonta Muddo Bil ah 'SAWIRO'

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In