Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay aad uga walaacsantahay dagaalada ku soo laablaabtay deegaanka Deefow ee Gobolka Hiiraan. Wasiirka ayaa yiri โDowladda Federaalka si aad iyo aad ah ayey uga walaacsantahay dagaalada soo laablaabtay, waxeyna si deg-deg ah uga codsaneysaa in dhammaan dadka qeybta ka ah collaadaha ay si deg-deg ah u joojiyaan oo miiska wadahadalada la fariisto.โ
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa dhowr jeer arrinta ka hadlay welina dagaaladii wey sii socdaan, waana wax nasiib daro ah in dadka deegaanka ay dhiig iska daadiyaan oo aan macno laheyn oo willal iyo gabdho Soomaaliyeed ay si macno daro ah ku dhimanayaan. Dagaal will kuma dhaso, Soomaalidana waxaa lagu yaqaanay dad collaadaha dhexdooda ah geedka hoostiisa ku xaliya.
Sidaas daraadeed, Dowladda Federaalka waxey markale ku celineysaa baaqeeda ah in dagaaladaas si deg-deg ah loo joojiyo, oo cidii iska dhaga tirta baaqyada Dowladda iyo madax dhaqameedka waxaa lala tiigsan doonaa sharciga, mana dhaceyso in dad caadeystay dagaal iyo collaado oo ka dhago adeega baaqyada ay muteysan doonaan ciqaab adag.Dagaal waqtigiisii wuu dhammaaday, waana in miiska wadahadalada la soo wada fariistaa oo khilaaf walba oo bulshada dhexdeeda ah lagu dhameeyaa dib u heshiisiin iyo nabadeyn