Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Dowladda Federaalka waxey ka digeysaa wararka been abuurka ah ee sheegaya in cudurka Ebola calaamadihiisa lagu arkay Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubsado wararka idaacadaha qaar iyo website-yada ay qorayaan ee ku aadan in shaqsi Soomaali ah lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola. Dowladda Federaalka waxey caddeyneysaa inaysan jirin wax caddeymo ah oo la xiriiria arrintaas.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisey inaysan jirin caddeymo la xiriira wararka ay idaacadaha qaarkood iyo website-yada qorayaan. Cudurka Ebola waa halis waxuuna u baahan yahay inaan shacabka Soomaaliyeed lagu abuurin shaki iyo qalqal iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah oo arrinkan xaqiijinaya. Idaacadaha iyo dhammaan warbaahinta waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah oo ku aadan in wararka ay shacabka gaarsiinayaan ay yihiin kuwa la hubo oo dhan walba caddeymahooda laga hayo.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasaaradda Warfaafinta waxey la xiriirtay idaacadahaas qaarkood oo sheegey inay raalli gelin ka bixinayaan wararkii ay horey u sheegeen oo been abuurka ahaa.

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa warkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxey xaqiijinaysaa inaysan jirin calaamado muujinaya cudurka Ebola in dalka laga helay, sidaas daraadeed, shacabka Soomaaliyeed yaan lagu abuurin tashwiish iyo shaki aan jirin. Dowladdu horey bey uga tabaabusheysatay khatarta cudurka Ebola oo dhammaan garoomada diyaaradaha ay joogaan khubaro baaraya dhammaan dadka ka yimaada waddamada Ebola laga helay. Cid allaale iyo cidii shaki ka galo waxaan la socodsiineynaa inay Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ay si toos ah ula soo xiriiraan. Sidoo kale dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay Dowladda Federaalka kala shaqeeyaan wax allaale iyo waxii khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto cudurada dilaaga ah ama kooxaha argagaxisada ee dhibaateeya shacabka.”

Previous Post

Cisbitaalka Tacliimiga ah ee Jaamacadda Banaadir oo maanta xariga laga jaray (SAWIRO)

Next Post

25 Gaari oo sida Raashiin gargaar ah oo gaaray degmooyinka Buulo-Burde iyo Maxaas

Next Post
25 Gaari oo sida Raashiin gargaar ah oo gaaray degmooyinka Buulo-Burde iyo Maxaas

25 Gaari oo sida Raashiin gargaar ah oo gaaray degmooyinka Buulo-Burde iyo Maxaas

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In