Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada oo isku raacay mideynta canshuurta Gadista
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa  kaga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa,iyagoo maanta si gaar ah uga wada hadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha Gadista.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faah faahiyay go’aanadii ka soo baxay shirkooda.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

“Ajandaha maanta waxaa uu ahaa in aan isla garanno wixii inooga hirgalay heshiisyadii hore,gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda Dalka oo mas’uuliyadeyna ah, hanoqoto Gobolka Banaadir ama Gobolada kale ee xubinta ka ah Federaalka,waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha  qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista,waxaa kaloo aan isla-garanay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay  anaguna raacsanahay,,Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysan”.Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Shirkani ayaa daba socda shirar ka horeeyey oo ku saabsan mideynta hanaanka qaadista canshuuraha noocyadoodi kala duwan ee Dalka,kaasi oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Next Post

Dhageyso: Guddiga doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Next Post
Dhageyso: Guddiga doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Dhageyso: Guddiga doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In