La taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada, Xaliimo Cali Culusow ayaa sheegtay in dowladdu ay degaannada laga xoreeyay Khawaarijta u diyaarineyso qorshayaal lagu soo nooleynayo xarumihii danta guud oo ay khawaarijtu ay baabiโisay.
Xaliimo Culusoow oo u warramaysay warbaahinta Qaranka ayaa dadka kasoo jeeda degaannada la xoreeyay ugu baaqday in ay kaalintooda ka qaataan dedaallada kor loogu qaadayo dib usoo nooleynta adeegyadii bulshada.
La taliye Xaliimo Cali Culusoow oo in dhowaalaba degaannada Galmudug ka wadday wacyi gelinta bulshada iyo kulamo ay la qaadatay madaxda degaannadaas ayaa sheegtay in ay haatan ku wajahan tahay Hirshabeelle si halkaasi ugu sii ambaqaaddo howlaheeda wacyi gelinta dad weynaha iyo kulamada masโuuliyiinta, iyadoo gogol-xaar u samaynaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan soo nooleynta adeegyada bulshada goobaha laga xoreeyay khawaarijta.