Monday, May 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaadiid Ciidan Oo Boliiska Ugu Deeqay Imaaraadka Carabta Oo Lagu Wareejiyay Wasaaradda Amniga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Gaadiid Ciidan Oo Boliiska Ugu Deeqay Imaaraadka Carabta Oo Lagu Wareejiyay Wasaaradda Amniga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo saldhig u ah xoojinta Dowladnimada ayaa gaadiid ciidan iyo qalab  oo loogu talo galay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa la wareegay Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .

Gaadiidkani oo ah kuwa tayadoodu aad u sareyso oo gaashaamaan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xoojiyo howsha baaxada leh oo ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan dadka iyo dalka, waxaana munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay gaadiidkaasi, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Related posts

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay qalabkani lagu xoojinayo islamarkaana lagu horumarinayo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka ayaa u mahadceliyay dowladaasi, isagoo sheegay in agabkani ay ku horumarinayaan howlaha ay ugu qidmeynayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo isna hadal kooban ka jeediyay  halkaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya islamarkaana Walaalaha imaaraadka carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ku mashquulsan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana iyadoo taasi laga duulaya Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud marar badan uu ku cel celiyay mudadii koobneyd uu xilka hayay in Boliisku uu doonayo in ay ku soo biiraan arday waxbaratay oo ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacado kuwaasi oo soo codsaday in ay ka mid noqdaan Boliiska, waxaana imtixaanaad ay u fariisteen maanta oo taliska boliiska uu ka qaadayay taasi oo ah muhiimad gaar ah.

IMGM8863 IMGM8865 IMGM8871 IMGM8875 IMGM8883 IMGM8900 IMGM8932 IMGM8936 IMGM8940 IMGM9018  IMGM9031 IMGM9035 IMGM9066 IMGM9100 IMGM9110 IMGM9112 IMGM9123 IMGM9127  IMGM9139 IMGM9141  IMGM9228   IMGM9234   IMGM9309

vlcsnap-2015-06-10-19h01m09s112 vlcsnap-2015-06-10-19h01m12s141 vlcsnap-2015-06-10-19h01m16s190 vlcsnap-2015-06-10-19h01m30s65 vlcsnap-2015-06-10-19h01m50s9 vlcsnap-2015-06-10-19h03m00s201 vlcsnap-2015-06-10-19h03m03s237 vlcsnap-2015-06-10-19h03m24s188 vlcsnap-2015-06-10-19h03m58s15 vlcsnap-2015-06-10-19h04m45s233 vlcsnap-2015-06-10-19h04m53s56  vlcsnap-2015-06-10-19h05m04s162 vlcsnap-2015-06-10-19h05m14s7 vlcsnap-2015-06-10-19h05m38s249 vlcsnap-2015-06-10-19h06m25s208 vlcsnap-2015-06-10-19h06m33s28 vlcsnap-2015-06-10-19h07m00s43 vlcsnap-2015-06-10-19h07m23s23 vlcsnap-2015-06-10-19h07m28s65 vlcsnap-2015-06-10-19h16m09s164

Sawir Qaade:-Mustaf Xuseen C/lle 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Munaasabad lagu xusayay dhalashada  boqorada Ingiriiska  Queen Elizabeth Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Next Post

Madaxweyne Xasan Oo Ka Qeybgalay Munaasabad lagu xusayay dhalashada  boqorada Ingiriiska  Queen Elizabeth Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Akhriso bayaanka Shirka Golaha Wasiirada

May 17, 2026
0

Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda JFS oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu meelmariyay hawlo qaran oo muhiim...

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

Golaha Wasiirrada XFS oo meelmariyay sharciyo muhiim ah

May 17, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka dalka Jabuuti

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda aanu...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden

May 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo safar shaqo ku jooga Yurub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In