Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.