Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Indonesia oo deeq raashin ah ku wareejisay Wasaaradda Gargaarka ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 5, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hey’ada ACT oo laga lee yahay Dalka Indensia ayaa maanta 40 Konteenar oo raashin ah ku Wareejisay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed, deeqdaasi oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka danta yar ee ku nool Gobollada Dalka ee ay saameeyeen abaaraha ka jiray dalka.

Guddiga abaaraha Qaranka, Mamaulka Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa goob joog ka ahaa deeqdan ay Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya lagu wareejiyay.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxa Hey’adda ACT Mr. Ahyudiin ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowlada Indonesia ay diyaar u tahay gargaar intaan ka badan inay soo gaar siiso Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Xubin ka ah Guddiga Gurmadka abaaraha  Qaranka  ayaa ka mahad celiyay deeqdan.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda iyo Amniga Saalax Sheekh Maxamed oo goobta ka hadlay waxa uu tilmaamay in waqti loo baahnay ay kusoo aaday  kaalmadan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed oo la wareegtay Deeqdan raashinka ah ayaa waxa ay Dowladda Indonesia uga mahadcelisay sida ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?

Next Post

Waqti dheer kaddib Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Waqti dheer kaddib Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Waqti dheer kaddib Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In