Dowladda federaalka Itoobiya ayaa soo jeedisay in xabad joojin laga galo dagaalka ay kula jirto falaagada TPLF ee Tigray, oo waqooyiga wadankaas ay ku dagaalamayaan mudo hal sano iyo bilooyin ah.
Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto, kaas oo aysan heli karin ilaa iyo bishii December.
Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika David Satterfield uu ku tegayu dalkaas. Kooxda Tigreyga ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday.
Dagaalka Itoobiya ayaa qarxay bishii November ee sanadkii 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Itoobiya iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.