Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Japan oo qalab ugu deeqday wasaaradda amniga gudaha-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Comanda Boliisiya ayaa waxaa qalab isgaarsiin oo casri ah oo dowladda Jaban ugu talo gashay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kula wareegay wasiirka Amniga gudaha dalka mudane C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana halkaasi ku sugnaa taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiisha Ciidanka Boliiska saraakiil ka socotay AMISOM, Qaramada midoobay iyo marti sharaf kale.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wasiirka Amniga dalka C/risaaq Cumar ayaa waxaa qalabkani oo ah mid isgaarsiineed oo casri ah waxaa uu wax ka bedeli doonaa habka shaqada ciidanka iyadoo munaasabadda ay goob joog ka ahaayeen howlwadeenada ku shaqeyn doona qalabka cusub.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliya kan ciidamada AMISOM, sarkaal ka socday Qaramada Midoobay waxay si wada jir ah u soo dhaweeyeen qalabkani loogu deeqay Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha Crisaaq Cumar Maxamed oo qalabkani muhiimadiisa ka hadlay ayaa sheegay in wax badan uu ka tari doono howlaha isgaarsiineed ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayna ka mahadcelinayaan.

Dhanka kale, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay taliyaha ciidanka Boliiska ee AMISOM Anaan Pillay, iyadoo kulanka ay kaga wada hadlayeen labada taliye arrimo kale duwan o la xiriira horumarinta iyo xoojinta amniga.

Kulanka ayaa waxa aad iskula soo qaadeen labada Taliye sida looga hortagi karo qataraha Argagaxisada ay u maleegaaan umadda Soomaaliyeed xiliga cibaada ay ku jiraan oo Ramadaanka uu qeyb ka yahay, waxaana taliyeyaasha ay isla garteen in muhiim ay tahay in si wada jir la isaga kaashado Ilaalinta Amniga.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidamada Boliiska iyo kuwa AMISOM ee Boliiska ah in ay diyaariyeen qorshe ay iskula sugayaan xaqiijinta amniga islamarkaana ay rajeynayaan in dadka ay u suura galiyaan in si nabdoon ay gutaan waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kulan qado ah oo lagu dhiira galinayay dhalinyarada kooxda Heegan oo ka tirsan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dhawaan key guuleysatay tartanka horyaalka kubadda cagta ah ee dalkeena, waxaana kulanka ku wehilinayay taliyaha saraakiisha ciidamada Boliiska.

Guddoomiyaha Kooxda Kubadda cagta ah ee Heegan oo munaasabadda goob joog ka ahaa ayaa ka sheekeeyay marxaladooyinkii ay soo martay Kooxda heegan, waxaana uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana uu u gudbiyay baahiyaha kooxda ay qabaan oo uu sheegay in muhiim ay tahay in wax lagala qabto.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna la hadlay ciyaartodya kooxda Kubadda Cagta ee Heegan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka uu la kulamay waxaana uu balanqaaday in uu wax kala qaban doono baahiyaha ay qabaan mar walbana kulamada noocaan oo kale ah uu la qaadan doono.

DSC02853 DSC02854 DSC02863 DSC02868  DSC02898 DSC02900 DSC02907   DSC02921 DSC02941 DSC02949 DSC02962

Sawir Qaade: Maxamed C/laahi Fereysane

 

 

Previous Post

Gudoomiye Jawaari oo shacabka ugu baaqay in ay isku kalsoonaadaan

Next Post

Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

Next Post
Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

Saraakiisha Boliiska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay adkeynta ammaanka-Sawirro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In